Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo amniga lagu sugayo ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamadan ayaa howlgalkaan waxay si gaar ah uga fulinayaan inta u dhaxeysa Ballidoogle iyo deegaanka Leego kadib markii shalay halkaasi qarax lagula eegtay ciidan ka tirsan AMISOM.
Dad ku sugan halka howlgalladan ay ka socdaan ayaa waxay soo sheegayaan in ciidamada ay xireen waddooyin halkaasi mara, lamana soo sheegin cid howlgalkaan lagu qabtay.




From the comments