Ergeyga Xogheyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa ammaanay saxiixa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh saxiixay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.
Michael Keating waxaa uu sheegay in sharcigan uu dowladda awood u siin doono ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xitaa ka hortagga wax walba oo wax u dhimaya.
“ waa war ay ku farxaan Soomaalida, waxaan ugu hambalyeynaa dowladda iyo hey’adaha bulshada rayidka ah halkan ay gaareen si loo xushmeeyo xuquuqda aadanaha” sidaa waxaa yiri Michael Keating.




From the comments