Haween ganacsato ah oo ku nool magaalad Laascaanood ayaa isku soo bax ay kaga soo horjeedeen cashuur ay wasaaradda maaliyadda ee Somaliland ku kordhisay ganacsade Maxamed Cabdi Caraale Jabuutaawi oo deegaanada Sool iyo Sanaag ka soo jeeda kana ganacsada qaadka, ka dhigay gudaha magaalada, taas oo ay sheegeen in gacansigooda si toos ah ay u taabatay.
Haweenkan oo ka ganasada qaadka oo socod ku maray gudaha magaalada ayaa waxay wasaaradda kaga cawdeen inay caqabad ku tahay horumarka ganacsiga gobolka Sool iyaga oo tusaale u soo qaatay ganacsiga qaadka ee Jabuutaawi oo ay sheegeen inay cashuur laba jibaar ah lagu soo rogay, marka loo eego ganacsatada kale ee gudaha Somaliland ee qaadka ka ganacsada, haweenkan ayaa sheegeen inay sii wadayaan isku soo baxoodan haddii ilaa ay wasaaraddu tallaabadaasi ka noqonayso .
Cambaro Caaqil oo ka mid ahayd haweenkan ayaa waxay tiri “ in ganacsigu horumaro deegaanada Sool waxay qayb ka qaadanaysaa horumar laga sameeyo dhinaca nabadda Somaliland, in badan ayey ku cel-celisaa nabadda ayaanu la rabnaa Sool maanta taas dib ha u xusuusato o cashuurta aanu sharci darrada u aragno haka dayso dadka ganacsiga ka wada gobolka”.




From the comments