Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka Horumarinta Qorshaha Qaran 2017 illaa 2019, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirada Qorsheynta ee maamul goboleedyada dalka.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ah horumarinta qorshaha Qaran, iyadoo dhammaan mas’uuliyiintii ka qeybgashay ay ka aragti dhiibteen.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qalloocow oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay inay ku dadaali doonaaan sidii loo dhameystiri lahaa qorshaha qaran ee loogu talogalay in lagu soo celiyo Kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka uu lahaa.




From the comments