Waxaa durba soo baxaya su’aalo badan oo ay qabaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo musharraxiinta xilligaan doonaya inay u tartamaan aqallada hoose iyo kan sare ee dalka.
Sakariye Maxamed Xaaji waa siyaasi, waxaana uu soo noqday musharax madaxweyne 2012-ka, waxa uu u sheegay Goobjoog News in dhibaatada ugu weyn tahay in aqoonyahannada doonaya dalkaan inay badbaadiyaan lagu xiray lacag, waxa uu is weydiiyey dowlad lagu dhisayo wax uu ugu yeeray laaluush iyo qarannimo halka ay isaga imaan karaan.
“Arrinta lacagta waa dhibaatada ugu weyn ee Musuqa ka billaabanaya, waxa weeye Qur’aankii Alif ka xumaada Al-baqra kuma hagaago, waxa weeye dowlad lagu dhisayo laaluush iyo lacag qarannimo uma taallo, haddii la dhihi lahaa qofka Kun doolar ha iska bixiyo lacagtaasna la caddeeyo meesha ay aadeyso, la dhahayo qasnadda dhexe baa lagu shubayaa waa macquul laakiinse lacagta hadda la doonayo ee Malaayiinta ah waa in la ogaadaa meesha ay ku baxeyso iyo meesha ay aadeyso, 2012-ka ayaa nalaga qaaday 10 kun musharrixii meesha ay aaddayna lama oga, qof aan 5 kun haysan Soomaaaliya waxaba kama noqqon karo, aqoon kasto ha lahaado, wadaniyad kasto ha lahaado, marka waxay wadarta isku noqoneysaa in 10 kun oo doolar qof aan haysan aanu xildhibaan noqon karin”




From the comments