Wasaaradda Difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay kaga hadashay howlgallo ay ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Dhexe.
Qoraalka ayaa ugu horreyn waxaa lagu yiri ” Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadda Sunguuni ee Gobolka Jubadda dhexe waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah, Degmadda Sunguuni ayaa ah mid Istaraatiijiyad u ah Al Shabaab waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba”
” Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo Al-shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo” sidaas ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada Difaaca Soomaaliya.




From the comments