Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maalintii shalay ahayd gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa kulamo kala duwan waxa uu la qaatay, haatanna la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo sidoo kale waxgaradka ku dhaqan degmadaasi.
Warar soo baxay ayaa waxay sheegayaan in wasiirka uu madaxda Galmudug kala hadlay arrimaha ku aadan meelaha lagu qabanayo doorashooyinka, maadaama Cadaado ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhici doonaan doorashooyinka sanadkaa la filayo in dalka ay ka qabsoomaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale Cadaado u tagay arrimo ku aadan dardar gelinta wada hadallada Ahlu-sunna Waljameeca iyo sidoo kale maamulka Galmudug.




From the comments