Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaalia ayaa meesha ka saartay in Dowlada Federaalka ay ka gaabisay wax ka qabashada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xir xiran Xabsiyo ka mid ah Caalamka.
Wasiirka wasaaraddan Cabdislaan Hadliye Cumar oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Dowlada qareenno ay u qabatay dhallinyaradaasi.
“Bil walbo safaaradda wey u tagtaa, qareenno baa loo qabtay, waxaan ogahay in Hal qof uu ka dhintay, laakiinse sharciga Hindida ayeey ku xukuman yihiin waana isku dayeenaa haddii dalka loo soo wareejin karo” ayuu yiri Hadliye.




From the comments