Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgallo dhallinyaro dhowr ah lagu qabtay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Wariyaheena Ibraahim Xaaji ayaa soo sheegaya in dhallinyarada la qabtay qaarkood ay ciidamada ammaanka guryahooda ugu galeen.
Saraakiisha howlgalladan horkacaysay ayaa laga soo xigtay in howlgalladan ay yihiin kuwo ammaanka guud ee degmooyinkaasi lagu xaqiijinayo.




From the comments