Ciidamada Booliiska ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo kaasi oo lagu soo qabtay dad gaaraya 120 qof.
Howlgalkaan ayaa xooggiisa ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Puntland, waxaana saraakiisha amniga ay sheegeen in ulajeedka howlgalkaan yahay sidii loo heli lahaa amni buuxa oo maagaalada ka hirgala.
Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska gobolka Mudug Cabduqaadir Faarax Shire oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in dadkaan ay holwglka ku qabteen u badan yihiin dhallinyaro, islamarkaana looga shakiyey inay qeyb ka yihiin amni darada Gaalkacyo.




From the comments