Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatey Danjiraha Jamhuuriyadda Burundi u fadhiya Soomaaliya, General Joseph Nkurunziza oo waqtiga xilkiisa Soomaaliya uu dhammaadey.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay safiirka sida wanaagsan ee uu u gutay waajibaadkiisa muddadii labada sanno ee uu dalkiisa wakiilka uga ahaa Soomaaliya.
“Waan ku faraxsanahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Burundi. Hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay mahad gaar ah u hayaan Burundi iyo doorka geesinimada leh ee ay ku taageertay in ciidammadeeda ay qeyb ka noqdaan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM). Taariikhda cusub ee qormeysa ee dalkeena ayay Burundi qeyb ka tahay. Adigana waxaan si gaar ah kaaga mahad celineynaa doorka aad ka qaadatey isku xirka, iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal’’, ayuu yiri Madaxweynaha.





From the comments