Maareeyihii dekadda Berbea Eng Cali Maxamed Xoor-xoor ayaa xilkii uu hayey laga qaaday ka dib markii wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo lagu sheegay in xilkii laga qaado, maareeyaha cusub ee dekedduna noqdo Axmed Yuusuf Dirir.
Eng Xoor-xoor ayaa ku dhawaad labaatankii sanno ee ugu dambeeyey maareeye ka ahaa dekadda Berbera marka laga reebo sannadkii 2010 oo mar sidan oo kale inta uu madaxweyne Siilaanyo xilkga uga qaaday uu hadana dib ugu soo celiyey lix bilood gudahood.
Waxa jirtay khilaaf soo kala dhex galay Eng. Cali Xoor-xoor iyo odayaasha magaalada Berbera ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu qayb ka ahaa qorshaha xukuumadda Somaliland kula heshiisay shirkadda DP world, taasi oo keentay in markii maareeyaha cusub loo magacaabay dekedda ay dad weyne tiro badani soo dhaweeyeen iyaga oo isku soo bax ay ku taageerayaan maareeyaha cusub ay dadweynuhu ka dhigeen gudaha magaalada Berbera.





From the comments