Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankii khamiislaha ahaa ayaa ka hadlay qodobo ay kamid yihiin, xaalada siyaasadda dalka iyo daba-galka hantida qaranka, waxaana kulanka maanta gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid.
Mudane Cumar Cabdirashiid oo warbixinta xaalada siyaasadda ee dalka u soo gudbiyay golaha Wasiirada ayaa sheegay in maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ay meel wanaagsan marayso, sidoo kalena barrnaamijka doorashooyinka si wanaagsan looga shaqeynayo islamarkaana tababar loo soo xiray gudiyada maamul goboleedyada ee doorashooyinka.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ahna gudoomiyaha guddiga badbaadinta hantida qaranka ayaa golaha Wasiirada ka hor sheegay in ay jiraan Wasaarado soo gudbiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay hantidii ay lahayd dowladii dhexe ee Soomaaliya ka hor bur-burkii 1990 kii Wasaaradaha dhimanna ay si dhaqso ah u soo gudbiyaan.




From the comments