Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe dib loogu dhisayo makatabaddii qaranka oo ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay soo xiray Carwada Labaad ee Bandhigga Buugaagta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in hadda ay diyaariyeen qarashe badan oo uu sheegay in lagu dhisayo goobo lagu weyneyno Hidaha iyo dhaqanka, laguna dhisayo maktabado cusub.
“Makatabadii Qaranka ee magaalada Muqdisho dhismaheedi ku yaalla laguna wareejiyey jiingadaha si loo dayactiro waa la dhisayaa waana la furayaa, kuwo kale oo bandanna magaalada Muqdisho waan ka fureynaa, magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla Iskuullo laga billaabo fasalka Kowaad illaa kan 12-aad oo Hal, Labo iyo Sadedex ka badan, maanta wixii ka horreeyay mushkilado ka xanuun badan ayaa na hayey ballaarinta Maktabadaha, laakiin hadda waa la ballaarinayaa, Muqdisho iyo dalka oo dhan”




From the comments