Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Cabdixakiim Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga guddoomey hay’adda SSF Afar Gaari oo ah nooca Booliska ee loo Yaqaano Shabaqlaha ee lagu qaado Maxaabiista xilliyada loo wado Maxkamadaha ama Xabsiyada.
Afartaan Gaari ayaa waxaa Maalgelisey Hay’adda SSF islamarkaana waxaa fulinaysey Hay’adda DDG waxaana loogu deeqay baabuurtaan Afarta deegaannada kala ah Xarfo, Godob Jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku shuban iyadoona loogu talo galay in looga shaqeeyo arrimaha nabad-gelyada ee deegaannadaasi.
Injineer Camey ayaa kaddib markii uu ka guddoomey hay’addaasi gaadiidka ay dawladda guddoonsiisey waxa uu uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay ugala shaqaynayso dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin sugidda nabad-gelyada, barnaamijka ileyska cad-ceedda ku shaqeeya ee laga hirgeliyey magaalooyinka Puntland iyo ceelal biyoodyo laga hirgeliyey deegaanada laamiga ka baxsan.





From the comments