Xisbiga Muxaafidka ah ee Kumiye ee Somaliland ayaa sheegay in aanay diyaar u ahayn in mar kale xukuumadda talada haysa muddo kordhin loo sameeyo.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aanu doonayn intay ogyihiin in muddo kordhin kale loo sameeyo isla-markaana uu dhamaysanayo Wakhtiga u haray oo keliya, Xisbi ahaanna ay diyaar u yihiin in doorashadu Wakhtigeeda ku qabsoonto.
“Axmed-Siilaanyo waakii Caddeeyay ee yiri Anigu mar dambe oo aan isa soo sharraxayaa ma jirto, hadduu Kursi jaceyl hayo muu yiraahdeen Hal Mar baa igu filan oo kamuu tanaasuleen markiisii labaad, markaa qofku waa inuu Maskaxda ku hayaa arrintaa Taariikhiga ah, Madaxweyne Afrikaan ah oo kursiga ku fadhiya oo yiraahda intaasaa igu filan Axmed-Siilaanyo ayaa u horeeya , haddii ayna jirin ol’ole qolada la shaqaynasaa ay rabaan inay meesha ku sii joogaan , oo ay kulana heshiiyaan qolaha wakiilada taasina waa ceeb ”.




From the comments