Waxgaradka ku dhaqan gobollada dhexe ee dalka ayaa farriin u diray dhammaan siyaasiyiinta xilligaan u sharaxan in xilal kala duwan ay ka qabtaan dowladda cusub ee soo socota.
Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo ka mid ah waxgaradkan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in maanta Soomaaliya ay u baahan tahay siyaasi aqoon leh, islamarkaana dalka iyo dadka badbaadin kara.
Wuxuu sheegay suldaanka in Soomaaliya ay kasoo daashay dagaallo sokeeye, islamarkaana illaa hadda qaar ka mid ah gobollada dalka ay ka jiraan dagaallo sokeeye.




From the comments