Odayaasha dhaqanka gobolka Awdal ayaa sheegay in 28 Bishan August uu magaalada Boorama uga furmi doono shir madax dhaqameedka Boorama iyo 21 xildhibaan oo golayasaha guurtida iyo wakiilada ugu kala jira deegaanada Awdal.
Shir jaraa’id oo ay madaxda dhaqanku ku qabteen magaalada Boorama ayaa Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ah af-hayeenka madaxda dhaqanka Awdal uu ku sheegay in shirka 28-ka bishan uu noqon doono mid ay reer Awdal kaga doodi doonaan isla markaana ay qorshe wada jir ah ka yeelan doonaan tallaabo hore ay u diideen,” shirka noo qabsoomayaa waxaanu isla qaadan doonnaa xildhibaanada in go’aankii madaxda dhaqanku ay ku diideen in madaxweyne Siilaanyo go’aamiyo saamiga beeluhu ku yeelan doonaan kuraasta baarlamaanka gaar ahaan wakiilada waxaanu xukuumadda tusi doonnaa in aanu ka midaysanahay rabitaankayaga iyo diidmadaba “.
Suldaan Ibraahim Samatar oo isna ka hadlay shirkan ayaa waxa uu xusay in gobolka Awdal uu masiirkiisa siyaasadeed gaar ahaan saamiga uu ku yeelanayo wakiilada ayna cid kale ku doori doonin balse ay iyagu doodda oo midaysan ay dhiiban doonaan.




From the comments