Qaraxa oo ka dhacay goob aroos ah ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen in ka badan 30 qof halka 90 kale ay ku dhaawacmeen, dhibaatadan waa tii ugu xumeyd ee todobaadyo dalkaas ka dhacda.
Qaraxan oo ka dhacay magaalada Gaziantep oo ah magaalo dhacda xadka Turkiga iyo Xalab ayey wakaaladaha wararka sheegayaan in uu isku qarxiyay qof meesha joogay.
Wakaaladda Anadolul waxaa ay sheegeysaa in dowladda Turkiga ay sheegeen in weerarkan uu ahaa mid argigixiso, cidna ma sheegan mas’uuliyadda weerarka.




From the comments