Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay u istaagaan in si wadajir ah loola dagaallamo Xarakada Al-shabaab.
Mr Madoobe oo ka hadlay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in taasi ay tusineyso shacabka Soomaaliyeed in Al-shabaab aanay dan ka lahayn shacab iyo dowlad intaba waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed in aysan mar walbo ka fikirin danahooda balse ay u istaagaan sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.




From the comments