Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michel Keating ayaa kulan looga hadlay arrimo dhowr ah ku yeeshay magaalada Kismaayo.
Keating oo shalay tagey Kismaayo ayaa madaxweynaha Jubbaland kala hadlay arrimo ay ka mid tahay doorashooyinka la filayo in dhawaan ay dalka ka dhacaan.
Wakiilka ayaa sheegay in hadda maamulka Jubbaland sameeyay horumaro dhan walbo leh, isaga oo bogaadiyey horumarkaasi.





From the comments