Madaxweynaha maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Camey, xubno ka tirsan wasiirada maamulkaasi iyo taliyeyaal ciidan ayaa maanta oo Isniin ah booqday halkii ay shalay ka dhaceen qaraxyada magaalada Gaalkacyo oo dad badan ay ku nafwaayeen.
Waxa uu ugu horreyn Madaxweyne ku xigeenka uu tagey xarunta dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ahayd halkii lagu weeraray qaraxayda.
Injineer Camey ayaa sidoo kale tagey Isbitaaalka Gaalkacyo oo lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi, wuxuuna ilaahay uga baryey Caafimaad.





From the comments