Wiil Soomaali ah islamarkaana da’diisa lagu sheegay 8 sano ayaa ku geeriyootay qarax Bam oo lagu tuuray hoygooda oo ku yaalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Dad aan la garan ayaa Bamkan ku tuuray hoyga qoys Soomaaaliyeed oo ku yaalla magaaladaasi, waxaana qaraxa kadib goobta gaaray ciidanka Booliiska.
Saraakiisha Booliiska ayaa sheegaya inay baaritaan ku sameyn doonaan cidda Bamkaan ku tuurtay gurigan, islamarkaana cadaaladda la horkeeni doono.




From the comments