Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Soomaalida dhexdooda magac weyn ku leh ayaa ka warramay xaaladiisa caafimaad oo todobaadyadii ugu dambeeyey si weyn loo hadal hayay in caafimaadkiisu aad u liito oo laga dayrinayo.
Abwaan Hadraawi oo ku nool magaalada Burco ayaa mar uu ka sheekaynayey xaaladiisa waxa uu xusay in xanuun uu hayo balse aanu ahayn xanuunkaasi mid uu la jiifsaday oo la il daran yahay, waxaanu yiri Abwaanku; ” Waa bukaa balse ma ihi bukaan jiif qofku inuu xanuusado waxay ka mid tahay nolosha iyada oo noqon karta uun labo inuu geeriyoodo qofkaasi iyo inuu ka bogsado “.
Abwaan Hadraawi oo la weydiiyey in uun maqlay wararka laga faafiyey xaaladiisa caafimaad waxa uu yiri, “ Alle ayaa Soomaalida i jeclaysiiyey waxaan odhan karaa waxay waxaasi oo dhan u sheegayaan waa jacayl la ii qabo oo qof kastaaba isleeyahay ka kale uga warran adigu“ , Ayuu yiri Hadraawi.




From the comments