Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta ku baxay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Galbeedka gobolka Hiiraaan halkaasi oo howlgallo amni sugid ah ay ka wadaan.
Deegaannada ay ciidanka ku baxeen ayaa waxay qiyaas ahaan 30 Km u jiraan magaalada Baladweyne, waxaana ay kala yihiin Ceelbaar, Luuq Jeelow iyo deegaanno kale.
Howlgalkaan waxaa hoggaaminaya Maxamed Ibraahim C/laahi oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan, Guddoomiyaha magaalada B/weyne Maxamed Cismaan Cabdi Qallaafow,Taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeeed Korneel Tawane Axmed Gurey, Taliyaha ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee gobolka Hiiraan Korneel Xasan Jaamac iyo saraakiil kale.




From the comments