Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaasi oo khasare kala duwan geystay.
Ibraahim Shik Shigow, guddoomiyaha degmada Diinsoor oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ay qaadeen weerarkaasi dagaalka ah, islamarkaana ay la kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha inay dileen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo gaaraya Shan, wuxuuna sheegay in dhankooda Hal askari uu ka dhintay, wuxuuna guddoomiyaha intaasi ku daray in ay nolosha ku hayaan Saddex qof oo ka tirsan Dagaalyahannada Al-shabaab.




From the comments