Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug uu booqdo madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas halkaasi oo maalin kahor ay ka dhaceen qaraxyo khasaare geystay.
Gaas ayaa safar dibadda ah ku maqnaa markii qaraxyada ay ka dhacayeen magaalada Gaalkacyo, waxaana markii uu halkaasi tago kormeeri doonaa dadkii ay waxyeellada soo gaartay iyo sidoo kale meelihii ay qaraxyada ka dhaceen.
Dhanka kale diyaarad gaar ah ayaa lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ay ka qaaddo dhaawacyada daran ee dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo.




From the comments