Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in wasaaradiisu ay qabatay dhallinyaro ay uga shakiyeen inay qaateen diinta masiixiga ah, kuwaas oo lagu xiray xabsiga dhexe ee Hargeysa .
Wasiirka wasaaradda diinta Sh. khaliil Cabdillaahi oo su’aalo lagu weydiiyay xarunta golaha Guurtida Somaliland, shaqadiisa wasaaradda wax laga warsaday ayaa waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay iney jiraan dhalinyaro ay qabteen oo lagu tuhunsan yahay iney diinta Masiixiga qaateen, waxa uu yiri, “Waxaanu ka baaraynaa astaamihii kiristaanimada , iyagana waxbaa laga qorayaa waana la haynayaa intay la caddaynayo waxay yihiin”.
Dhallinyaradan oo uu wasiirku sheegay In guri ku yaalla Hargeysa dhexdeeda isku urursadeen ka dibna halkaasi ay Boolisku kaga war haleen oo ay ku soo qabteen, waxaanuu xusay in la hayn doono inta uu socdo baaritaankoodu .




From the comments