Xildhibaan Maxmuud Cali Dhuux oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa baaq u jeediyay shacabka Soomaaliyeed una sheegay iney iimaansadaan go’aannada madasha iyo tan baarlamaanka ee doorashooyinka 2016.
Xildhibaanka oo Goobjoog la soo xiriiray ayaa ka hadlay walaca shacabka ee dhanka doorashooyinka dadban ee la filayo dabayaaqada sanadkan 2016, waxa uu sheegay iney ku kalsoonaadaan madaxdooda, taas oo ah wadada ugu habboon ee wanaag lagu gaari karo:
“Shacabka Soomaaliyeed baan la hadlayaa, waddankii inagaa leh cid kale eedsan meyno, waddankii shalay inagaa gacanteenna ku burburinay, hadana waan ka soo laabannay wanaagii iyo albaabkii baan u sii soconnaa, meel fiican bay noo mareysaa, qabiil qabiil hayaa ma jiro, magaalo magaalo haysaana ma jirto, waxa inala dagaalamayaa waa hay’ado kale oo meelo kale laga soo diray, madaxda qaranka waa madaxdii aan shalay doorannay, xog-ogaal bayna ka yihiin siday wax u socdaa, hay’ado kale waxay keenaan waxaa ka habboon in lagu iimaansado madaxda madasha iyo baarlamaanka, waddanka anagaa u dhalnay, anagaa mas’uul ka ah taladiisa meesha ku habbooneydna waa la marsiinayaa, waxay yiraahdeen Xamar in lagu soo shiriyo 3000 illaa 4000 oo qofi wax ku doortaan oo meel lagu xareeyo, xagee lagu xareynayaa? Ma suurtogalbaa?, Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’ado kale walbahaarkeeda ha la iska illaabo”.




From the comments