Kooxo hubeysan ayaa caawa maqrinimadii goobtiisa ganacsi oo ku taalla bartamaha xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ku dilay Mustaf Sheekh Cabdullahi oo ahaa wiil dhallinyaro ah islamarkaana xilliga la dilayey waxaa isu diyaarinayey xiritaanka goobtiisa ganacsi .
Qaar kamid ah ehlada Marxumka la dilay ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay tiro ahaan gaarayeen Saddex nin oo ah Kenyaan, waxaana ay sidoo kale qaateen lacago iyagoo gudaha u galay goobta ganacsi.
Marxuumka ayaa rasaastu kaga dhacday wadnaha waxaana markii hore isbitaalka loola cararay dhaawac ahaan isaga oo markii dambe isbitaalka ku geeriyooday.




From the comments