Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Helen Clark, oo booqasho ku joogta dalka.
Madaxweynaha iyo madaxa UNDP waxay ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta ee dalka ka socda ee qeybta ka ah mashaariicda dib u soo kabashada Soomaaliya, arrimaha dhalinyarada, shaqo abuurka iyo sameynta xarumo dhalinyarada ay ka bartaan xirfadaha kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhimadda kowaad ay siineyso baahinta adeegyada aasaasiga ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha , horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo nabadgelyada, loona baahan yahay in laga taageero .
“Waxyaabaha muhiimadda inoo leh waxaa ka mid ah inaan dhalinyarada siino fursado ay ku bartaan xirfado ay ku shaqeystaan, dhaqaalena ay ku sameysan karaan. Dagaalka aan kula jirno argagixisada Al Shabaab oo maraya marxalad gebagabo ah, ayaa waxaa lagama maarmaan ah inay barbar socdaan barnaamijyada dhaqan celinta, baahinta adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin iyo in la jiheeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.




From the comments