Goobjoog

Sarkaal Ka Tirsanaa Ahlu-sunna Iyo Ciidamo Uu Hoggaaminayo Oo u Goostay Galmudug

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in sarkaal ka tirsanaa ciidanka Ahlu-sunna laguna magacaabo C/risaaq Cali Tubaako iyo ciidan uu hoggaaminayey ay u u goosteen dhanka maamulka Galmudug.…

Sarkaal Ka Tirsanaa Ahlu-sunna Iyo Ciidamo Uu Hoggaaminayo Oo u Goostay Galmudug

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in sarkaal ka tirsanaa ciidanka Ahlu-sunna laguna magacaabo C/risaaq Cali Tubaako iyo ciidan uu hoggaaminayey ay u u goosteen dhanka maamulka Galmudug.

Sarkaalkaan iyo ciidankiisa ayaa la sheegay in lagu soo dhaweeyay magaalada Cadaado oo hadda xarun KMG ah u ah Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-sunna oo xiriir aynu la sameynay si aan wax uga weydiinno waxa ka jira sarkaalkaan dhankooda ka goostay ayeey ku sheegeen waxbo kama jiraan.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ka talisa magaalooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxay sheegeen in aysan aqoonsaneen maamulka Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments