Afhayeenka Ahlu-sunna Waljameeca Mursal Maxamed Xeefow ayaa sheegay in marnaba aanay dooneyn in wada hadal ay la galaan maamulka Galmudug oo siyaasad ahaan isku diiddan yihiin.
Waxa uu sheegay in ay jiraan kulamo iyaga iyo dowladda Federaalka horay u dhexmaray balse aanay jirin wax natiijo ah oo kasoo bixay, sidaa darteedna hadda aysan dooneen inay meel la fariistaan Galmudug.
“Mas’uuliyadda deegaaanka aan joogno annaga ayaa wax nalaga weydiinayaan, muddo Sanad ka badan baa kasoo wareegtay markii wasiirka arrimaha gudaha Federaalka ayaa noo yimid, waxa uu nala galay wada hadal iyo wada xaajood, waxa uu naga tagay wada hadalladii aan guuleysan ama fashilmin, marka annaga hadda meel aan kula hadalno Galmudug maba u jeedno” ayuu yiri Afhayeenka.




From the comments