Shariif Roobow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku taliyey in laga tanaasulo sameynta aqalka sare oo uu sheegay in culeyso badan xilligan keenayo.
Isagoo aqoonyahankan u waramayey barnaaamijka maxaa lagu heshiiyey ee Goobjoog News ayuu sheegay in culeys badan uu hadda ka muuqanayo sameynta aqalka sare, sababtuna wuxuu ku sheegay in maamullada qaar ay arrintan u arkeen in sad bursi loo sameeyay maamullo kale.
“Waa in la laalo aqalka sare oo dhan sababtoo ah dhibaato ayaa ka imaaneysa Somaliland waad u jeedaan in ay ka biyo diidday sida wax loo qeybsaday, Galmudug madaxweynaheeda isna wuu hadlay oo wuxuu leeyahay Puntland ayaa loo sad buriyey, Koonfur Galbeed dhankeeda doodda kama marna, marka wax la isku haysto haddii la dhaho waa la sameynaa waa dhinbaato kale, Soomaalida waxa ay hadda wax ku qeybsaneyso waa qabiil, wixii uu qabiil diidana hadde wax soconaya malahan” ayuu yiri aqoonyahanka.




From the comments