Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay ku qabteen in ka badan 10 qof kadib dil xalay ka dhacay magaaladaasi.
Dadkaan ayaa ku sugnaa xaafadda lagu dilay askari ka tirsan dowladda, taa oo lagu magacaabo Buundoweyn, waxaana ciidanka ay qabteen 14 ruux.
Dadka la qabtay ayaa looga shakisanaa ku lug lahaanshiyaha dilkii ka dhacay magaalada B/weyne.




From the comments