Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Bankiga laga xaday lacag dhan Nus Milyan Doolarka Maraykanka ah.
Tiro ahaan lacagta la xaday ayuu ku sheegay inay tahay $530,000 (Shan Boqol Iyo Soddon Kun) oo doolar, islamarkaana uu xaday sida uu sheegay guddoomiyaha mid ka mid ah qasnajiyada Bankiga.
Shaqsiga lacagta xaday ayuu sheegay in muddo bil ah uu qasnadda dhigayey lacago been abuur ah kadibna halkaasi kala baxayey midda rasmiga ah ee halkaasi taallay waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments