Maanta oo Khamiis ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno Meydka Marxuum Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday wadanka Maraykanka.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in aas qaran loo sameyn doono Marxuum Maxamed Cali Samatar.
Jeneraalka ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysay Soomaaliya ee xagga ciidannimada waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Kacaanka.




From the comments