Qarax xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga Xeebta Liido ee malaada Muqdisho, iyadoo halkaasi laga maqlayo rasaas dhaceysa.
Qaraxan ayaa ah gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana la sheegay in qof naftii hure ah uu gaariga saarnaa.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya halka qaraxan lala eegtay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lala bartilmaameedsaday Hoteel halkaasi ku yaalla inkastoo weli warkaasi aanu caddeyn.




From the comments