Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacmay degmada Baardheere ee gobalka Gedo kadib markii uu halkaas ka dhacay qarax xoog badan oo dadka degaanku sheegeen in laga maqlayay magaalada oo dhan.
Wararka laga helayo degmada Baardheere waxay sheegayaan inta la og yahay inay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 9 qof oo ay ku jiraan guddoomiyihii degmada Baardheere iyo taliyihii amniga ee degmadaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxani loo adeegsaday Bambaanada gacanta laga tuuro oo lagu weeraray masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidan.




From the comments