Cismaan Maxamuuud Cadaawe oo ah guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa uga digay shacabka degmadiisa in qashin ay ku shubaan hareeraha wadada Wadnaha ee maagaalada Muqdisho gaaar ahaaan dhanka degmadaasi.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha in shacabka laga doonayo in hortooda nadiifiyaan islamarkaana qashinka ay meel ku shubaan si looga qaado, balse cidda ku xadgudubta amarkaasi ayuu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan la marsiin doono.
“Maanta waa maalintii Labaad ee nadaafaddii jidka wadnaha ay socoto, waxaa ila jooga guddoomiyayaashii kale ee shirkada degmadeena kula ahaa wadada wadnaha, waxaan shacabka ugu baaqeynaa in meesha aan nadiifinno ay nadiif noqoto, qashinka jawaan inoogu shubaan innaga ayaa ka qaadi donno, haddii aad middaasi sameyn weysaan tallaab adag ayaa laga qaadayaa, reer Yaaqshiid ayaan si gaar ah fariintaan ugu dirayaa, ciddii qashin lagu arko tallaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments