Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Awdal ee maamulka Somaliland ayaa sheegay iney ka soo horjeedaan barnaamij dhawaan magaalada Hargeysa lagu soo gabo gabeeyey oo wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ay sheegtay in dad ka badan Hal million oo qof oo reer Awdal ay ku jiraan laga saxeexay codsi ah in Somaliland loo aqoonsado dawlad madax banaan .
Caaqil Axmed Gaboobe oo ku hadlaayey afka odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin tirada lagu darsaday ee reer Awdal isal markaana ayna dhinacooda ogayn in loo codeeyay arrintaasi, “Reer Awdal waxba kumey darsanin arrinta wasiirka arrimaha dibadda Somaliland sheegayey ee ah in cod iyo saxeex lanaga qaaday hore na loo weydiiyeyna ma jirto hadana ma ogolin sababta oo ah waxaanu tirsanaynaa caddaalad darro baahsan oo todoba sanno in ka badan soo jiitameysay waxaanu ka cabanaynaa dad la laayey sannado ka hor oo aan cadaalad looga garnaqin, waxaanu ka cabanaynaa saami qaybsiga siyaasadda sidaas darteed ma jirto sabab aanu ugu codayn karno arrintaasi”, ayuu yiri Caaqil Gaboobe.
Madax dhaqameedkan ayaa si wadajir ah u sheegay in reer Awdal xaq u leeyihiin in laga qanciyo waxii tallaabo siyaasadeed ah oo ay xukuumadu ka qaadanayso gobolkooda, waana siday ay hadalka u dhigeene.




From the comments