Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka furmo shir madaxeedka 6-aad ee Afrika iyo Japan ee loo yaqaano TICAD kaasi oo looga hadli doono arrimo dhowr ah
Shirkaan waxaa ka qeybgali doona dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana uu socon doonaa Labo maalin, iyadoo shirkan diiradda lagu saari doono arrimo ku aadan maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee Labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka Labada dhinac.
Soomaaliya waxaa shirkaan uga qeybgali doona madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana shirkaan uu fursad muhiim ah u yahay Soomaaliya.




From the comments