Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Eedeeyay Dhaqan Gelin La’aanta Sharciga
Xildhibaanno ka tirsan aqalka wakiilada Somaliland ayaa xukuumadda ku eedaynaya inaanay dhaqangelin xeerarkii ay horey u meel mariyeen baarlamaanka ee sida tooska ah u taabanayay nolosha bulshada .
Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa Saddex xildhibaan oo xukuumadda eedeynta usoo jeediyay ayaa sheegay inay tani caqabad ku noqonayso gudashada shaqo ee golaha sharci dejinta, “Xukuumaddu ilaa Afar xeer oo golahu meelmariyay ayeyna wali dhaqan gelin taasi waxay ceeb ku tahay shaqadii Dastuurku u igmaday golaha oo ah inay wax sharciyeeyaan” ayuu xildhibaan Cabdiraxmaan warbaahinta u sheegay .
Xeerarkan ay xildhibaanadu ka cabanayaan dhaqan gelin la’aantooda waxaa ka mid ah xeerka Hilibka iyo tayeynta kawaanada. Xildhibaan Maxamuud Axmed ayaa dhankiisa xusay inay ujeedka markii hore ay goluhu u ansixyeen ay ahayd kaalinta ay ku leeyihii nolosha dadka, “Markii horeba haddii uusan dhaqan galeynin bulshadii maqashay in xeerkaasi golaha yaallo iyo xildhibaanadaba waxaanu sheegi lahayn inayna naawilin balse waxaanu garan la’nahay sababta wali loo hortaagan yahay ee xukuumaddu u dhayalsanayso meel marinta xeerar uu kani ka mid yahay”.
Golaha wakiilada Somaliland ayaa muddo 11 sanno ah waxay ansixiyeen in ka badan 43 xeer, kuwaasi oo intooda badan la dhaqan geliyay, halka ay jiraan xeerar kale oo aan wali la dhaqan gelin.
Goobjoog News