Dalka Gabon ayaa waxaa ka bilowday doorashadii madaxtinimo dalkaas iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay , ciidanka dalkaas ayaa isku fidiyay dhamaan goobaha sanaadiiqda codbixitu ay taallo waddanka oo dhan.
Dadka codbixiyeyaash ah ayaa safaf dhaadheer ugu jiray goobaha codbixinta ka dhacaysay, iyadoo meelaha qaarna lagu soo warramyo iney dib uga dhaceen wakhtigii ay furmi lahaayeen, taas oo keentay iney dadweynuhu aad uga caroodaan goobahaas.
Dalka Gabon ayaa waxaa codkooda dhiibanay dad lagu qiyaasay 628 kun oo codbixiye , marka loo eego tirada guud ee dalka reer Gabon oo ah Halmilyan iyo 800 oo kun oo qof, dadkaa codbixiyeyaasha ah ayaa dooranaya 11 murashax oo ku tartamaya xilka madaxtinimo ee dalkaas, waxaana ugu cadcad madaxweynaha hadda uu xilkiisu sii dhamaano ee Ali Bongo iyo Guddoomiyahii hore ee Komishanka Midowga Afrika Jean Ping.




From the comments