Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ka mid ahaa wafdiga wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi.
Maamulka magaalada Baraawe iyo shacab badan ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha, waxaana intaasi kadib loo galbiyey madaxtooyada cusub ee Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee madaxtooyada Koonfur Galbeed, waxaana mar uu madaxweynaha saxaafadda la hadlay uu sheegay in dhawaan lagu shaqo billaabi doono magaaladaasi maadaama ay xarun u tahay Koonfur Galbeed.




From the comments