Taliska guud ee ciidamada Booliska Somaliland ayaa u soo xiray Tobobar muddo 14 maalmood ah u socday 55 askari oo ka mid ahaa taliyayaasha saldhiyada booliska iyo ku xigeenadooda ee guud ahaan gobollada Somaliand
Tobobarkan ayaa ujeedkiisu ahaa in saraakiishan lagu carbiyo qaabka sharciga waafaqsan ee ay ula dhaqmi lahayeen shacabka dambiyada gala iyo inay dambiyada ka ilaaliyaan inay dhinacooda ka soo leexdaan inta aanay u gudbin maxakamadaha iyo garsoorka.
Tobobarkan oo ay gacan ka gaysanaysay hay’adda barnaamijka horumarinta adduunka u qaabilsan qaramada midoobay ee UNDP ayaa taliyaha guud ee booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal IImaan oo ka warramay faa’idada haddii ay dhaqangeliyaan taliyayaashu ay shaqadooda ka bedeli karo tobobarkan u xirmay, “ Tababarkan waxaad ku baranayseen hoggaaminta iyo sidii aad bulshada u adeegtaan aad si wacan ula dhaqmi lahaydeen madaama aad markasta tihiin saaxiibkii bulshada“.




From the comments