Waxaa xilligaan dhaqdhaqaaqyo dhanka ganacsiga ah ay ka soconayaan degmada Hobyo ee gobolka Mudugu, iyadoo dekadda Hobyo kusoo xirteen doonyo sida shixnado ganacsi ah.
Guddoomiyaha degmada Hobyo C/laaahi Axmed oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in hadda shaqada dekadda Hobyo ay tahay mid si wanaagsan u socoto, islamarkaana ay soo xirteen doonyo shixnado ganacsi ah wada.
“Waa wax aad loogu farxo in xilligaan ay Doonyo ganacsi kusoo xirtaan dekadda degmada Hobyo, waxay taasi keentay in dad badan shaqo ka helaan, sida kuwa soo dejinaya, kuwa saaraya gaadiidka, dadka nawaaxiga dekadda Mehradaha ganacsi ku leh” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments