Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Axmed ayaa sheegay in ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran loogu talo gaalay in si gaar ah u fuliyaan howlgallada lagula dagaallamayo Al-shabaab.
Ciidamadan ayuu sheegay inay leeyihiin tababar xooggan, islamarkaana ay yihiin kuwii dalka ka difaaci lahaa Al-shabaab.
“Cadowga aan la dagaallameyno ee ina soo wajhay darteed aad baa loogu baahan yahay ciidankaan, guud ahaan waa ciidan loo baahan yahay, adduunka ciidankaan oo kale wuu leeyahay, wuxuu fuliyana waxa weeye falalka gaarka ah oo isaga mooyee cid kale aanay fulin karin, umadda Soomaaliyeed waxaad u hureysaan dhiigiina iyo naftiina marka abaal markaa umadda Soomaaaliyeed ka sokow ilaah agtiisa baad ku leedihiin” ayuu yiri Taliyaha.




From the comments