Wasaaradda waxbarahsada ee Somaliland ayaa soo saartay amar ah inay dugsiyada hoose dhexe ay waxbarashada ku qaataan luuqada afka Soomaaliga bedelkii luuqadaha carabiga iyo ingiriisiga .
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdilaahi Aadan Habane oo ka hadlay amarkaasi waxa uu ku sheegay inuu yimi ka dib markii ay arkeen in luuqaddii afka Soomaaligu ay gabaabsi ku tahay aqoonta ay da’yartu barato, “ Waxaanu soo rognay amar ah in dugsiyada hoose dhexe kuwa gaarka ah iyo dawliguba ay ardayda waxbarashada ku siiyaan luuqada Afka Soomaaliga, xiisado Ingiriisi ama carabi ahi waku jiri karaan balse luuqada waxbarashadu ay ku qornaanaysaa waa inay ahaato Soomaali, sababta aanu sidaasi u samaynay waxaanu aragnay aqoontii aynu afkeenna hooyo u lahayn oo meesha ka baxday taasina waxay keentay in dhaqankii Soomaaligu isna uu guuro , oo ay soo baxaan dad aad mooddo inay dalal kale wax ku barteen”, Ayuu yiri wasiirka waxbarashada Somaliland cabdilaahi Aadan Habane.
Wasiirka ayaa sheegay inay tirakoob ay ku sameeyeen saamayta Afka Soomaligu ku leeyahay waxbarashada Soomaaliland ay ku ogaadeen in uu yahay maadada ugu xiisaha iyo qiimaha yar ee dugsiya lagu bixiyo,” Maaha arrin fiican in afkaagii Soomaaligu noqdo kan ugu qiimaha yar ee ardaygeennu uu helaa macallimiinta bixinaaya ay noqdaan kuwa uga aqoonta iyo tayada yar leh waa in aanu wax ka bedelno haddii ay qaadan waayaan dugsiyada oo aanu dhammaantood u sheegnay waxaanu qaadaynaa tallaabo aanu dugsigaasi ku xiri doono”.




From the comments