Danjiraha dowladda Ingiriirska u fadhiya Soomaaliya Harriet Mathews ayaa ka digtay dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka Somaliland iydoo carrabka ku adkeeysay iney lagama maarmaan tahay in doorashada Somaliland ku dhacdo wakhtigii loogu talogalayay si hufnaan iyo cadaalad ah.
Safiirka oo magaalada Hargeysa kula hadashay saxaafadda maalinimadii shalay ayaa ka hadashay in qiimeynta hordhaca ah ee la sameeyay ay sheegayso in doorashada farsamo ahaan ay suurtogal tahay, sidaa darteed dib u dhac kasta oo ku yimaadda doorashada ay waxyeelaynayso sumacadda Somaliland, oo ah sidey tiri, meel looga daydo dimuqraadiyadda Geeska Afrika.
Waxay safiirku ka hadashay sababta ay Hargeysa u gaartay inuu ahaa mid khuseeya kormeer ay ku sameynayso mashaariicda Dowladda Ingiriisku ay maamusho ee khuseeya arrimaha sarreynta qaanuunka iyo Amniga;




From the comments